HARGAYSA OO LAGU ARKAY KOOX DAACISH AH

Somaliland Flag.
www.kismaayodaily.com – news that matters from Somalia and Somali States.HARGAYSA OO LAGU ARKAY KOOX DAACISH AH
HARGAYSA(GUNDHIG)-Maamulka soomaaliland ayaa sheegay in aay gacanta ku dhigeen koox daacish ah oo lagu arkay magaalada Hargaysa .
kooxdaan ayaa ka koobneed ilaa lix ruux ,ayagoo ka soo degay garoonka diyaaradaha Hargaysa ee Cigaal International,waxayna ka soo safreen magaalada Muqdisho.
wararka ayaa sheegaya kooxdaan in si wadajir ah hal mar aan loo qabanin balse mid kamida la qabtay kadibna kuwa kale uu asiga u farmuuqay ciidanka ammanka soomaaliland,waxaana gacan weyn ka geesteen bulshada ku dhaqan magaalada Hargaysa, ilaa hada looma xaqiijin warbaahinta xaafadaha laga soo kala qabtay kooxdaan.
Inta badan waa wax naadir ah in warar nuucaan oo kala ah laga maqlo deegaanada maamulka soomaaliland uu ka arimiyo.
waxayna arintaan kor usii qaadi doontaa qilaafka dhanka socdaalka ah ee magaalooyinka Hargaysa iyo Muqdisho.
Source: (GUNDHIG)