DIYAAR GARAWGII U DAMBEEYAY EE MAGAALADA CADAADO
Magaalada cadaado ayaa u diyaar garowday xaflada caleema saarka madaxweyne Axmed Ducaale Geele xaaf oo la filayo maanta inay qabsoonto.
magaalada cadaado ayaa ku sii qulqulayaan wafuud kala duwan oo ka kala socota Dowlada Federaaalka Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada Dalka,waxaa sidoo kale la filayaa Wakiilo ka socda Beesha caalamka.
waxaa maalintii shalay soo gaaray magaalada Cadaado Wasiirka Arimaha iyo Federaalka Mr Juxa si uu ugu sii gogol xaaro madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo la filayo maanta inuu soo gaaro magaalda Cadaado.
Amniga magaalada ayaa aad loo adkeeyay waxaana magaalada hareeraheeda lagu arkayaa Ciidanka Ammaanka Galmudug.
Source: (GUNDHIG)