
Soomaaliyeey: Kenya Sidaan Kuuma Gasheen ‘Hadii Aad Dowlad Midaysan Lahaan Lahayd’ Waxaan inta qarniga ka dhiman aan marna Soomaali oo dhan hilmaami doonin sida sharci darida ah oo ay askarta sida gaarka ah loo tababaray ee loo yaqaan GSUda ula dhaqmeen qaxootiga Soomaaliyeed ee deganaa magaalada Nairobi iyo agagaarkeeda. GSUda oo ficilada noocaas oo kale ah waligood ula dhaqmi jiray ruuxi ay u gartaan in uu Soomaali yahay, ayaga oo aan u aabe yeelin in Somaligu yahay Soomaalida degan Waqooyi […]