
Waalidiinta Qurbaha: cidaan adinka ahayn xilka kama saarna caruurtiina dhaqankooda iyo diintooda. Inta aanan u gelin faalada qoraalkayga, aan idin xasuusiyo dhaqankeena ku salaysan diinta islaamka in uu yahay mid lagu faano. Dhaqankaas oo aan waligay hilmaamayn inkastoo ay iigu danbaysay hoyga dhaqankeena, Soomaaliya, in ka badan 22 sano. Intaa kadib, sida aad ka maqashaan idaacada wararka ama aad ka aqristaan shabakadaha wararka, ama aad ka daawataan idaacadaha wararka ee la iska arko, waxaa jirta in dhalinta Soomaaliyeed ee Qurbaha […]