
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gelinkii dambe ee maanta magaalada Muqdisho kula kulmay odayaasha dhaqanka ee iyagu soo xulay ergadii ansixisay dastuurka dalka iyo Xildhibaannada. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulanka uu la qaatay Odayaasha dhaqanka waxaa ku wehliyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka Mudane Maxamed Cismaan Jawaari iyo Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Mudane C/weli Maxamed Cali Gaas. Ugu horeyn xubno ka tirsan odayaasha dhaqanka oo kulanka ka hadlay ayaa farxad ku tilmaamay inuu maanta ku booqdo xarunta ay magaalada […]