Ma Shir Qaran, Mise mid Qaraabaysi?
Sida shabakadaha qaarkood qoreen, waxay ka hadleen: maxay Puntland State u qaadacday shirkaan ka socda Xamar? Se waxaad modaa in la hilmaamay la iswaydiiyo: in Jubbaland laga martiqaaday shirka iyo inkale? Sidoo kale, waxaan laga hadlin in Somaliland shirka ka qaybgashay iyo in kale?
Si kastaba ha ahaatee, waxaan weli cadayn dadka shirkan qaranka Muqdisho ka qaybgalya iyo cida marti qaaday? Waxa ay ku salaysan yihiin shuruudaha laga rabo in uu buuxiyo qofka shirka ka qaybgalaya madaama shirka uu yahay shir Qaran oo lagu gorfaynaayo mustaqbalka Qaranka iyo isu keenida dadkii uu kala waday dagaal sokeeye oo socday 20 sano iyo in ka badan?
Intaa waxaa sii dheer, arimo kale oo la isla dhexmarayo oo ah in qurboJoogta shirka laga martiqaaday ay yihiin dad macariifo ama qaraabanimo ama xulufonimo ahaan lagu xulay oo aysan ahayn mid qofka kartidiisa iyo aqoontiisa ku salaysan ama ku salaysan Soomaalinimo iyo deegaan.
Dad aan waraysatay ayaa waxay ii sheegeen in sawirada dadka qaarkood ee ku lifaaqaaqnaa qoraalada qaarkood ee Radio Mogadisho, ay ahaayeen dadka ay ku arkeen, dad lagu soo xulay waxa afka qalaad loo yaqaan “clubhouse for few” oo macnaheeda guud uu noqon karo “dad yar oo xulufo ah – ha ahaadeen qaraabo ama macariifo”.
Marka anigoon u hadlin maamulada hada jira, inkasta oo laga yaabo in Somaliland, aysan marnaba muujin wax rabitaana oo ay u qabaan shirar Dowlada Federaalka ay abaabusho, ma laga yaabaa, in arimaha kor ku xusan iyo arimo kale oo la xariira cadaalada iyo gacan bidxaynta ay tabanayaan maamulada sida Jubbaland iyo Puntland in ay tahay sababta kaliftay in Puntland State qaadacdo shirka? Waa su’aal jawaab cadaalad ah u baahan – oo aan iska jawaab ku hanboonayn madaama qofba waxa dhiba uu isagu kaa ogyahay.
QurboJoogta ayaa aad ugu riyaaqay fikrada “waaga cusub” iyo doorashadii xukuumada hada ka talisa Dowlada Federaalka, ee hada jirta, hase yeeshee, waxaa soo if baxaysa in aysan QurboJoogta hada sidii hore ugu riyaaqsanayn hogaanka “waaga cusub” ee lagu tiriyo xisbiga cagaaran ee afka qalaad loo yaqaan “the green party” sababaha ay dadka inta badan tabayaan ay tahay in maamulka hada talada wadanka haya, uu ka tagey wixii astaanta u ahayd: cadaalada iyo sinaan in ay ku jiheeyaan maamulkooda.
Mohamed Barre – Junlay [Buluf] oo wax ka qora arimaha Jaaliyada Soomaalida ee degan Magaalada Minneapolis, MN ee dalka Maraykanka – junlay99@aol.com