Xeebaha Bari ee Soomaaliya oo laga dareemay Roobab Dabeylo wata
Wararka naga soo gaaraya deegaanada bariga ee xeebaha Badweynta Hindiya ayaa sheegaya in xalay roobab dabeylo wata ay ka curteen, xili Horey ay u soo bexeen digniinaha Duufaano ku soo fool leh xeebaha Gobolada Bari, Nugaal iyo Mudag.
Sidoo kale guddoomiyaha degmada Bandar Beyla Saciid Maxamed ‘’Anteeno’’ ayaa sheegay in gelinkii dambe ee shalay uu hal ruux ku Dhaawacmay xeebaha, kadib markii dooni ku jirtay Badda ay dabeylo ku Burburiyeen.
Dhanka kale degmooyinka Eyl iyo Garacad oo ka kala tirsan gobolada Nugaal iyo Mudug ayaa laga soo sheegayaa in roobabka ay isa soo xirxireen oo jawiga hawada ay dadku ka dareemayaan daruuro mugdi ah oo cirka isku shareeray.
Deegaanka Garacadna waxaa laga soo sheegayaa in mowjado hirar ah ay Baddu bilawday , iyadoo ka soo durugtey halkii ay joogtay shalay galab taas oo cabsi gelisay dadka ku nool degmada Garacad oo ah kalluumeysato.
Deegaannada ku teedsan xeebaha gobolladaasi ayaa dhamaantood laga Dareemayaa huwaan muqdi ah, dabeeyl aad u qabow, iyo moqjado Waaweyn oo badda ka muuqda, in kastoo ilaa iyo hadda laga soo sheegin Wax dhibaato ah.