synthroid 75 mcg ingredients

Magaalada Bosaso oo siweyn looga xusay maalinta booliska Soomaaliyeed “SAWIRRO”

Photo: Radio Mogadisho. www.kismaayodaily.com - your gateway of Somali news around the world.

Photo: Radio Mogadisho. www.kismaayodaily.com – your gateway of Somali news around the world.

Waxaa maanta kadhacday magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari munaasabad si heer sare loosoo agaasimay oo lagu maamuusayay sanadguuradii 69-aad ee kasoo wareegatay aasaaskii ciidamada booliska Soomaaliyeed.

Madaxwaynaha maamulka Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole, golihiisa wasiirada, saraakiisha booliska Puntland iyo kooxaha fanka ayaa kasoo qaybgalay munaasbaadda kadhacday magaalada Bosaso.

Madaxwaynaha Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole oo ka hadlay madasha ayaa sheegay booliska inay tahay sharaf, isagoo ka sheekeeyey taariiqdii iyo karaamadii ciidamada booliska Soomaaliyeed ay lahaayeen.

Waxaa uu sheegay booliska Soomaaliyeed inay ahayd wax aad loogu faano, waxaa uu kula dardaarmay dhalinyarada inay ku biiraan Booliska si’ ay uga shaqeeyaan nabadgalyada dalkooda.

“Askarta dadka ay dhaleen waxa ay ahaayeen jireen aqlaada iyo nidaamka dadka ugu wanaagsan, maadaama waalidkood ay ka baran jireen” ayuu yiri madaxwayne Faroole.

Taliyaha ciidamada booliska Puntland Maxamed Saciid Jaqanaf oo ka hadlay munaasbada ayaa ku dheeraaday waxqabadka iyo nidaamka ciidamada booliska Puntland, waxaana uu sheegay booliska Puntland inay ka qaybqaateen sugidda nabadgalyada, la dagaalanka tahriibta, burburinta dhismayaasha sharci darada. la dagaalanka mukhaadaraadka iyo ka hortagista dhibaatooyinka bulshada.

Waxaa sidoo kale uu sheegay sanadakan oo kaliya tababaro kale duwan in loo qabtay ciidamada booliska Puntland kuwaasi oo qaybo ka mid ah la siiyay tababaro kor loogu qaadayo xirfadooda baarista dambiyada.

Wasiirka amniga Khaliif Ciise Mudan iyo saraakiil katirsan kuliyadda ciidanka booliska ee degmada Carmo ayaa dhamaantood booliska Soomaaliyeed meel kasta oo ay kusuganyihiin u diray hambalyada maalinta ciidanka booliska oo ku beegan maanta  20-ka Disember.

Xafladda ayaa kusoo idlaatay jawi dagan iyadoona intii ay socotay heeso wadaniyado u badan ay soo bandhigeen kooxda fanka ee Waaberi Puntland, taasi oo siweyn usoo jiidatay dadkii xafladda joogay.

 

Source: (Radio Mogadisho)

Kismaayodaily On December - 21 - 2012

Leave a Reply


  • RSS
  • Delicious
  • Digg
  • Facebook
  • Twitter
  • Linkedin
  • Youtube

Somali Rowing and Ca

Somali Rowing and Canoeing federation sacks president, interim committee appointed [caption ...

KHUDBADII MADAXWEYNE

KHUDBADII MADAXWEYNE XAAF UU KA JEEDIYAY CALEEMA SAARKIISA Source: Gundhig.

MAXKAMADA CIIDANKA P

MAXKAMADA CIIDANKA PUNTLAND OO XUKUN DIL AH SOO SAARTAY [caption id="attachment_11066" ...

HARGAYSA OO LAGU ARK

HARGAYSA OO LAGU ARKAY KOOX DAACISH AH [caption id="attachment_12599" align="alignright" width="300"] ...

DIYAAR GARAWGII U DA

DIYAAR GARAWGII U DAMBEEYAY EE MAGAALADA CADAADO May 29, 2017 [caption id="attachment_13622" ...

Sponsors

  • http://kismaayodaily.com/?p=10650
  • http://kismaayodaily.com/?p=10650
  • http://kismaayodaily.com/?p=10650
  • http://kismaayodaily.com/?p=10650