
Photo: Radio Mogadisho. The 1st speech – breaks the silence – president finally realized that he can’t continue silent strategy; therefore, communication must be part of his leadership. www.kismaayodaily.com – your gateway of Somali news around the world
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad uu u jeediyay shacabka Soomaaliyeed uga hadlay xaladda dalka uu marayo iyo qorsheyaasha dowladda ee Mustaqbalka Dhow.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in sugidda ammaanka iyo dhammeystirka haykalka dowladnimo la gelin doono dadaal badan bilaha soo socdo, hase yeeshee wuxuu dhinaca kale taabtay qodobbo muhiim ah oo ay ku jiraan arrimaha Jubbooyinka, siyaasadda, maaliyadda iyo dhismayaasha dowladda ee ay degganyihiin dadka shacabka ah.
Khudbadiisa ayuu madaxweynuhu ku sheegay in dowladdu ay sameyn doonto hannaan maaliyadeed oo ka fog musuqmaasuq iyo maamul xumo, taas oo saldhig u noqon doonto wanaajinta maamulka dhaqaalaha dalka oo degmo kasta laga hirgelin doono.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan gobollada Jubbooyinka iyo dowrka ay dowladda Soomaaliya ku leedahay in deegaannadaasi loo sameeyo maamul ay deegaanku raali ka yihiin ama ay soo doorteen, isagoo tilmaamay in gobollada Jubbooyinku ay la mid yihiin gobolada kale ee Jamhhuriyadda Soomaaliya.
Dhinaca kale madaxweynuhu wuxuu ka digay in la abuuro fitno dadka been loo sheego, taas oo dadka Soomaaliyeed dib ugu celin karta dhibaatadii ay muddada ku soo jireen.
Arrimaha Jubbooyinka inta uu ka hadlayay madaxweynhu wuxuu soo hadal qaaday dhuxusha ceegaagta Dekadda Kismaayo ee ay dadka Soomaaliyeed dhaqaalaha ku bxiiyen iyo siyaasadda dalka iyo tan caalamiga ah ee ku wajahan in dalkan laga jaro Dhuxusha, isagoo sheegay in loo baahan yahay in la abbaaro xalka.
Ugu dambeyntii madaxweynaha ayaa khudbaddiisa ku soo qaatay dhismeyaasha dowladeed ee ay dadka Shacabka ah degganyihiin, wuxuuna tilmaamay in dhisme kasta ee ay dowladu lahayd 1991 kii uu wali yahay dhul dowladeed.
Madaxweynaha Ayaa dadka Soomaaliyeed ku boorriyay inay taageeraan is beddelka isla markaana ay hantaan dowladnimo ay kaalin wanaagsan ku leeyihiin, isagoo dalka u rajeeyay inuu mudo dhow dib u hanan doono xasilooni iyo kala dambeyn ku timid rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.
Riix Halkan Si aad u dhageysato Khudbadda Madaxweynaha
Source: (Radio Mogadisho)