
Photo: Radio Mogadisho/Maxamed C/qaadir Daahir (MCD). United = complete picture of the Somali nation and the Somali people. www.kismaayodaily.com – your gateway of Somali news around the world.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gelinkii dambe ee maanta magaalada Muqdisho kula kulmay odayaasha dhaqanka ee iyagu soo xulay ergadii ansixisay dastuurka dalka iyo Xildhibaannada.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulanka uu la qaatay Odayaasha dhaqanka waxaa ku wehliyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka Mudane Maxamed Cismaan Jawaari iyo Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Mudane C/weli Maxamed Cali Gaas.
Ugu horeyn xubno ka tirsan odayaasha dhaqanka oo kulanka ka hadlay ayaa farxad ku tilmaamay inuu maanta ku booqdo xarunta ay magaalada Muqdisho ka degenyihiin Madaxweynaha Jamhuuriyadda waxaana ay dhanka kale xuseen xubnaha u hadlay odayaasha dhaqanka iney ku guuleysteen dadaalkii ay mudada badan ugasoo maqnaayeen maadaama gudaha dalka lagu dhisay dowlad aan KMG aheyn.
Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Mudane C/weli Maxamed Cali Gaas oo isaguna kulanka khudbad ka jeediyey ayaa waxa uu ku dheeraaday dadaalkii ay bixiyeen odayaasha dhaqanka ee ku aadanaa in dalka laga saaro KMG maadaama ay odayaashu soo xuleen ergadii ansixisay dastuurka iyo xildhibaannada doortay Madaxda Qaranka waxaana uu si guud Ra’isulwasaare Gaas ugu mahad celiyey dhammaanba dadkii gacanta ka geystay dadaalkii ay Soomaaliya ku yeelatay Dowlad aan KMG aheyn.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari oo isaguna hadal kooban ka jeediyey kulanka ayaa mahad celin kadib waxa uu tilmaamay in odayaasha dhaqanka maadaama ay soo xuleen Baarlamaanka uu gudoonka u yahay ay mar walba xildhibaannadu diyaar u yihiin iney la tashtaan oo aysan marnaba taladooda ka weyn.
Ugu dambeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo odayaasha dhaqanka khudbad ka jeediyey ayaa ku tilmaamay odayaasha dhaqanka iney yihiin dadka hormuudka u ah isbedelka maanta uu dalku galay islamarkaana ay taariikhda umadda Soomaaliyeed baal dahab ah ka geli doonaan waxaana uu Madaxweynuhu uga mahad celiyey sidii ay ugasoo samreen daruufihii adkaa.
“dalka waxaad soo gaarsiiseen meel wanaagsan anagana waxaan diyaar u nahay inaan ka mira dhalino dadaalkiina aad soo bilowdeen,waxaan hadaan galeynaa wejiga labaad ee hanaqaadka Soomaaliya waxaanna rajeyneynaa inuu Alle nagu guuleeyo,waxaanna diyaar u ahay inaan mar walba taladiina qaato” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka kale u mahad celiyey Saxaafadda Soomaaliyeed gaar ahaan intii gacan kasoo geysatay in dalku maanta heerkaan soo gaaro oo bulshada u farmuuqeysay wanaaga iyo hormarka waloow ay jiraan buu yiri saxaafad aan wanaaga ka shaqeyn.
“waxaan rabaa inaan fursadaan uga faa’ideysto laba qodob, qodobka koobaad waxaan si gaar ah oo weyn ugu mahad celinayaa Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed,Ra’isulwasaare C/weli Maxamed Cali iyo Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Shariif Xasan oo iyagu daruuf adag kusoo shaqeeyey, sidoo kale saxaafadda Soomaaliyeed iyana si gaar ah ayaan uga mahad celinayaa dhammaan ma ahan qaarka wanaagga umadda u tebin jiray waxaan ogahay inaad daruuf adag kusoo shaqeyseen qaarkiinna ay u dhinteen iney bulshada u shaqeeyaan, marwalbana wanaag umadiina u horseeda”ayuu yiri Madaxweynaha Dalka.
Kulanka uu gelinkii dambe ee maanta magaalada Muqdisho kula qaatay odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa noqonaya kulankii ugu horeeyey oo uu Madaxweynaha la qaato odayaasha dhaqanka tan iyo intii xilkan loo doortay waxaanna uu Madaxweynuhu odayaasha dhaqanka usoo jeediyey martiqaad qado sharaf ah oo maalinnimada berri ah odayaasha loogu sameynayo Madaxtooyada Qaranka.
Source: (Radio Mogadisho/Photo By:-Maxamed C/qaadir Daahir (MCD))