synthroid 75 mcg ingredients

Photo: Radio Mogadisho. www.kismaayodaily.com – your gate of kismaayo, Somali news around the world.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Mudane Maxamed Mursal Sheekh Abdirahman, uu uu wehliyo Madaxa Ganacsiga iyo Warshadaha ee Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Turkiga MudaneYuusuf Axmed Xassan, ayaa waxaa ay kulan la  qaateen Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Dalka Turkiga Recep Akdağ,

Ugu horeyn ayaa waxaa uu Danjire Maxamed Mursal uu uga mahad celiyayay Wasaaradda Caafimaadka ee Dalka Turkiga sida walaalnimda leh oo ay Wasaaradda iyo Dhammaan Dowladda Turkiga ugu fidiyeen gacanta dadkii Soomaaliyeed ee ku dhaawacmay qaraxyadii ka dhacay Dalka Soomaaliya oo lagu daaweeyay gudaha Turkiga, waxaa uu sidoo kale Safiirka ku amaanay Wasaaradda Caafimaadka ee Dalka Turkiga sida ay ugu qeyb qaateen tayeynta Adeegyada Caafimaad ee gudaha Dalka Soomaaliya iyo gacanta ay u fidiyeen kumanaanka Soomaaliyeed ee wax loogu qabtay gudaha dalka Soomaliya.

Waxaa sidoo kale Damjire Mursal uu kala hadlay Wasiirka Caafimaad sidii loo sii xoojin is kaashiga labada Dowladood ee dhanka caafimaadka, maadaama uu dalku u baahan yahay sare u qaadis dhanka caafimaadka, ayadoo labada wasaaradood ee Soomaaliya ee Turkigaba ay ka wada shaqeyn doonaan.

Sidoo kale waxaa uu Danjiraha kaga warbixiyay halka ay mareyso marxallada kala guurka oo ay Soomaaliya kaga gudbeyso marxaladda ku meel gaarnimada (KMG) ayadoo ay socoto howlihi ugu muhiimsanaa ee lagu soo dhisayo dowlad bedesha Dowladda KMG ah ee imminka jirta.

Hadaba waxaa kulanka la iskula meel dhigay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada Dowladood gaar ahaan Wasaaradaha Caafimaadka oo ay iska kaashan doonaan tayeynta adeegyada iyo heyadaha caafimaad ee kala duwan ee ka jira dalka Soomaaliya, si wax looga qabto dhibaatooyinka caafimaad ee ka jira dalka iyo weliba in la kordhiyo goobaha bukaan eegtada ee ka jira dalka Soomaaliya.

Source: (Radio Mogadisho)

Kismaayodaily On September - 5 - 2012

Leave a Reply


  • RSS
  • Delicious
  • Digg
  • Facebook
  • Twitter
  • Linkedin
  • Youtube

Somali Rowing and Ca

Somali Rowing and Canoeing federation sacks president, interim committee appointed [caption ...

KHUDBADII MADAXWEYNE

KHUDBADII MADAXWEYNE XAAF UU KA JEEDIYAY CALEEMA SAARKIISA Source: Gundhig.

MAXKAMADA CIIDANKA P

MAXKAMADA CIIDANKA PUNTLAND OO XUKUN DIL AH SOO SAARTAY [caption id="attachment_11066" ...

HARGAYSA OO LAGU ARK

HARGAYSA OO LAGU ARKAY KOOX DAACISH AH [caption id="attachment_12599" align="alignright" width="300"] ...

DIYAAR GARAWGII U DA

DIYAAR GARAWGII U DAMBEEYAY EE MAGAALADA CADAADO May 29, 2017 [caption id="attachment_13622" ...

Sponsors

  • http://kismaayodaily.com/?p=10650
  • http://kismaayodaily.com/?p=10650
  • http://kismaayodaily.com/?p=10650
  • http://kismaayodaily.com/?p=10650