Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow) oo maalmahan ku sugnaa magaalada Johannesburg ee dalka South Africa ayaa ka qeybgalay xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu soo dhoweynayey mas’uulka sare.
Xafladan ayaa waxaa soo abaabulay Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee South Africa Ismail Abdalla Soomane oo ay ka soo qeybgaleen dhalinyaro, aqoonyahano, ganacsato iyo siyaasiyiin oo ay ka dhex muuqdeen Haji Gaacir, Haji Abdi Weheliye, Dr Mohamed Abdullahi, Mowlana iyo guddoomiyeyaasha guddiyada Ardeyda iyo Suxuufiyiinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan South Africa.
Eng. Yarisow ayaa ugu horreynti uga mahadceliyey jaaliyadda Soomaaliyeed ee South Africa sida heerka sare ah ee loo soo dhoweeyey isla markaana sheegay inuu kulammo gooni gooni ah la qaadanayey maalmahii la soo dhaafay Guddiga Ardeyda Soomaaliyeed, Guddiga Suxuufiyiinta Soomaaliyeed, Ganacsatada iyo Guddiga Jaaliyadda Soomaaliyeed.
Eng. Yarisow ayaa sheegay in Jaaliyadda South Africa ay kaalin muhiim ah uga jiraan qurbojoogta Soomaaliyeed lagana sugayo inay dalkii hooyo waxbadan u qabtaan bacdamaa 70ka kun ee ku sugan SA ay 90% yihiin dhalinyaro shaqeysata iyo kuwo waxbarta ayna yihiin mustaqbalka berri.
Haji Gaasir oo ah Oday Soomaaliyeed oo si weyn looga sharfo South Africa ayaa soo dhoweeyey Eng. Yarisow, sheegayna inuu yahay mas’uul wax badan u soo qabtay dalka oo 4tii sano ee ugu danbeysey u huray naftiisa dalka oo uu ku sugnaa Muqdisho.
Haji Gacir ayaa sheegay in Eng. Yarisow uu u qalmo inuu dalka Hoggaamiyo oo uu leeyahay aqoontii, xirfaddii iyo diblomaasiyaddii hoggaan sare looga baahnaa. Sidoo kale waxaa xafladda ka hadlay Haji Abdi Weheliye oo sheegay inuu Eng. Yarisow aqoon fiican u leeyahay kuna ammaanay dadaalka, waddaninimada, iyo sida hagar la’aanta ah ee uu dalka ugu shaqeeyey. Haji Muse Ganjab, Dr Mohamed Abdullahi iyo Guddoomiyaha Ardeyda Abdulkadir iyo Guddoomiyaha Suxuufiyiinta Saxansaxo ayaa dhammaantood ku ammaanay Eng. Yarisow dadaalkiisa kana codsaday inuu sii wado oo uusan ka bixin siyaasadda.
Eng. Yarisow ayaa sheegay in 20kii Juun illaa iyo hadda uu ku howlanaa sidii Somalia ay u yeelan laheyd Public Service Broadcast Madaxbannaan oo aan Dowladdu faragelin karin.
Waxuu sheegay in qorshahaas uu meel fiican marayo, haddana uu ku guda jiro sidii Radio Barkulan loogu soo rari lahaa Muqdisho oo uu u noqon lahaa Radio Soomaaliyeed oo u adeega bulshada Soomaaliyeed isagoo ku shaqeynaya siyaasad ah inuu xaqiiqda dhabta ah u soo bandhigo shacabka iyadoo wariyeyaashana ay yihiin kuwo leh xirfad sareysa oo ay ku ilaaliyaan siyaasadda warbaahinta caalamka iyo tan dalka.
Eng. Yarisow ayaa warbixin dheer siiyey ka soo qeybgalayaasha xafladda una sheegay in Sanooyinkii la soo dhaafay horumar ballaaran laga sameeyey dhanka siyaasadda oo uu sheegay in sanadkii ugu danbeysey ay socdaan dadaallo madaxda qaranka ay si soomaalinimo ah isagu tanaasulayeen, isla markaana ku guuleystay inay Roadmap-kii ay saxiixeen 6dii September noqday mid lagu guuleystay.
Warbxiin dheer ka dib Eng. Yarisow ayaa ka codsaday in Soomaalida Qurbo joogta ah ay taageeraan dhameystirka xilliga KMG ah iyo doorashooyinka Madaxweynenimo ee lagu wado in la qabto 10ka September. Eng. Yarisow ayaa sheegay in Dowladda cusub looga baahanyahay inay xal siyaasadeed u raadiso kooxaha Al-Shabaab oo loo baahanyahay in si dib-u-heshiisiineed looga fadhiyo si loogu gudbo xilli horumar ballaaran looga sameeyo dhan walba sida dhaqaalaha, beeraha, xoolaha, caafimaadka, waxbarashada iyo dhammaan adeegyada bulshada.
Ka soo qeybgalayaasha ayaa si weyn ula dhacay khudbadda Eng. Yarisow isla markaana xafladu markey dhammaatay sawiro gaar gaar ah la galeyey.
Source: (Radio Mogadisho)