Daawo sawirada: Soomaalida iyo Muslimiinta degan NE Minneapolis, MN iyo Eidul-Fitra
Waxaa maantay oo taariikhda tahay August 19, 2012 si wayn looga ciiday waqooyi bari ee magaalada Minneapolis, ee gobolka Minnesota. Waxaa ciida ka soo qaybgalay dad kala yimi Asia, Africa iyo waqooyiga America. Isaga oo imaamka masaajidaka Al-noor ku tilmaamay in xaafadaan iyo masaajidka uu yahay midka ay dadkiisa ka kala yimaadeen meelo kala duwan ee qaaradaha aduunka. Halka masaajidadda qaarkood ay u badan yihiin dad ka soo jeedda hal wadan oo kali, inta badana ka dhex muqda madaama ay ku badan yihiin. Se masaajidkaan oo ah mid dadyow ka kala yimi qaarado kala duwan, wadamo kala duwan ku tukadaan, maamulaanna. Taasna waxaa ay sifo u tahay diinta Islaamka oo ah mid dadka u siman yahay.
Masjidka Al-nur, waxaa uu qaybiyey caruurta muslimiinta ahayd ee ka soo qayb gashay salaada toys iyo macmaacaan (nacnac), sida caadadda islaamka ahna ay tahay in caruurta laga farxiyo maalintaan oo kale. Mida kale imaamka waxaa uu xusay in midaan wax wayn ka tarayso in caruurta ay fahanto diintooda madaama inta badan ay maqlaan maalmaha cidaha dadka diimaha kale aaminsan. Waxaan uu dadkii u sheegay in qadarin wayn la siiyo caruurta iyo sida ay u xafidi lahaayeen diintooda.
Waxa qoray: Mohamed Barre – founder of MN 6 I group and www.kismaayodaily.com at junlay99@aol.com