synthroid 75 mcg ingredients

Ergada Ansixinta Dastuurka oo maanta si aqlabiyad leh u Ansixiyay Dastuurka dalka…. WARSAXAAFADEED

Photo: Radio Mogadisho. www.kismaayodaily.com – your gateway of Somali news around the world.

Muqdisho, Arbaco, August, 2012———– Ergadka Ansixinta Dasuurka Soomaaliya ayaa maanta si aqlabiyad leh ku ansixisay Dastuurka dalka si KMG ah ilaa inta Afti dadweyne loogu qaadayo.

Wasiirka Dastuurka iyo Dib-u-heshiisiinta C/raxmaan Xoosh Jibrill ayaa markiiba ku dhawaaqay in Ergado 96% u codeeyeen dastuurka dalka. Halka inta kalene ay qaarna ay diideen inta kalena ay ka aamuseen. Wuxuuna Sidoo kale Wasiirku Cadeeyay in sidaa uu Dastuurka dalka uu ku yahay mid sax ah oo loo codeeyay.

Wuxuuna intaa ku daray Ergada shirka joogtay ay gaarayeen 645 xubnood, 621 ka mid ah ayaa ku codeeyay, halka  13 ergo ay ku codeeyeen ay diideen, Waxaana sidoo kale ka aamusay 11 xubnood.

Wuxuuna Wasiirku xusay in maanta ay Soomaaliya u tahay maalin taariikhi ah maadaama ay Ergado si Wadaniya leh ku ansixiyeen Dastuurka dalka.

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli  Maxamed Cali ayaa sheegay in Soomaaliya maanta ay ka baxday KMG, wuxuuna tilmaamay in maanta dalka Soomaaliya uu leeyahay dowladd iyo dastuur.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Cabdiweli wuxuu sheegay in ay dhamaadeen wixii loo yaqiiney Argagixiso iyo Burcad badeednimada Soomaaliya.

“Maanta waa maalin taariikh u leh Umadda Soomaaliyeed madaama ay Ergado Ansixisay Dastuurkii dalka, Waxaan maanta ka baxney KMG, maanta wixii ka dambeeyo waxaa inoo dhalanaya dowladd rasmi ah, Waxaa noqoney dowladd Dastuur leh”.

Wuxuuna intaasi ku daray Ra’iisul Wasaaruhu in Shahaaddo Sharaf la guddoonsiin doono Ergada ansixisay Dastuurka si Umaddo ay mustabalka u xasuusato howshii ay u qabteen.

– DHAMAAD –

Source: (Radio Mogadisho).

Kismaayodaily On August - 1 - 2012

Leave a Reply


  • RSS
  • Delicious
  • Digg
  • Facebook
  • Twitter
  • Linkedin
  • Youtube

Somali Rowing and Ca

Somali Rowing and Canoeing federation sacks president, interim committee appointed [caption ...

KHUDBADII MADAXWEYNE

KHUDBADII MADAXWEYNE XAAF UU KA JEEDIYAY CALEEMA SAARKIISA Source: Gundhig.

MAXKAMADA CIIDANKA P

MAXKAMADA CIIDANKA PUNTLAND OO XUKUN DIL AH SOO SAARTAY [caption id="attachment_11066" ...

HARGAYSA OO LAGU ARK

HARGAYSA OO LAGU ARKAY KOOX DAACISH AH [caption id="attachment_12599" align="alignright" width="300"] ...

DIYAAR GARAWGII U DA

DIYAAR GARAWGII U DAMBEEYAY EE MAGAALADA CADAADO May 29, 2017 [caption id="attachment_13622" ...

Sponsors

  • http://kismaayodaily.com/?p=10650
  • http://kismaayodaily.com/?p=10650
  • http://kismaayodaily.com/?p=10650
  • http://kismaayodaily.com/?p=10650