synthroid 75 mcg ingredients

R/wasaaraha Oo Maanta Booqday Xaruntii Ergada Ansixinta Dastuurka

Photo: Radio Mogadisho. www.kismaayodaily.com – your gateway of Somali news around the world.

Muqdisho, July 29, 2012—–Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta booqday xarunta Ergada Ansixinta Dastuurka Iskuul Polizia ee Magaalada Muqdisho.

Ugu horeyn Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya, Mudane C/raxmaan Xoosh Jibriil, ayaa ka warbixiyay sida ay howsha u socoto islamarkaana tilmaamay iney si wanaagsan ay howsha u socoto, wuxuuna intaasi ku daray in Ergada Ansixinta Dastuurka iyo Gudigii Farsamada ay si wanaagasan u wada shaqeynayaan.

“Ra’iisul Wasaare howshu waxey u socotaa si wanaagasan waxaana guda galney doodii ku aadaneyd Dastuurka, waa laga dooday xeer hoosaadkii waana la ansixiyay, Dastuurkana waa loo wada aqriyay Ergada, Waxaana howsha si hufan u wada Ergada Ansixinta Dastuurka iyo Gudiga Farsamada”.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Ganacsigga iyo Warashadaha Xukuumada Soomaaliya Mudane C/wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa aad uga mahadceliyay howsha ay Ergada Ansixinta Dastuurka u hayaan Ummadda Soomaaliyeed, Wuxuuna Wax lagu farxo ku tilmaamay sidii wanaagsaneyd oo ay u ansixiyeen Ergada iyo Gudiga Farsamada ee Xeer hoosaadka Dastuurka Soomaaliya.

Ugu danbayntii Ra’iisul wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Ergada sida wanaagsan oo ay u wajaheen howsha Ansixinta Dastuurka, Wuxuuna kula dardaarmay maadaama uu wakhtiga ciriiri yahay in ay dadaal muujiyaan waana ku faraxsanahay sida aad howsha u qeybiseen waxaana rajeynayaa inta dhimana iney si wanaagsan u dhameystirmi doonoo hadduu ilaahey yiraahdo.

Source: (Radio Mogadisho).

Kismaayodaily On July - 29 - 2012

Leave a Reply


  • RSS
  • Delicious
  • Digg
  • Facebook
  • Twitter
  • Linkedin
  • Youtube

Somali Rowing and Ca

Somali Rowing and Canoeing federation sacks president, interim committee appointed [caption ...

KHUDBADII MADAXWEYNE

KHUDBADII MADAXWEYNE XAAF UU KA JEEDIYAY CALEEMA SAARKIISA Source: Gundhig.

MAXKAMADA CIIDANKA P

MAXKAMADA CIIDANKA PUNTLAND OO XUKUN DIL AH SOO SAARTAY [caption id="attachment_11066" ...

HARGAYSA OO LAGU ARK

HARGAYSA OO LAGU ARKAY KOOX DAACISH AH [caption id="attachment_12599" align="alignright" width="300"] ...

DIYAAR GARAWGII U DA

DIYAAR GARAWGII U DAMBEEYAY EE MAGAALADA CADAADO May 29, 2017 [caption id="attachment_13622" ...

Sponsors

  • http://kismaayodaily.com/?p=10650
  • http://kismaayodaily.com/?p=10650
  • http://kismaayodaily.com/?p=10650
  • http://kismaayodaily.com/?p=10650