Madaxweynaha Jamhuurriyadda Oo Qaddo Sharraf U Sammeeyey Haweenka Soomaaliyeed ”DAAWO SAWIRRADA”

Photo: Radiom Mogadisho. Popular and People’s president. Get Domali news around the world at www.kismaayodaily.com
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta Qado Sharaf u sameeyey Haweenka Soomaaliyeed.
Qado sharaftan oo ka dhacday xarunta Madaxtooyada Qaranka ayaa waxaa Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ku wehliyey marwadiisa Faadumo Xaaji Mustaf ayadoo sidoo kalena ay kasoo qaybgaleen haween ka kala socday Hooyooyinka dalka ku noolaa iyo haween qurba joog ah balse hada Muqdisho ku sugan.
Kadib qadada ayaa waxaa goobta laga jeediyey khudbado kala duwan ayadoo xubno u hadlay Haweenka Soomaaliyeed ay uga mahad celiyeen Madaxweynaha qada sharaftan uu u sameeyey waxaana ay dhanka kale ka codsadeen inuu u istaago sidii ay Haweenka Soomaaliyeed ku heli lahaayeen xuquuqdooda gaar ahaanna xuquuqda uu u ogolyahay dastuurka cusub oo ah 30%.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo munaasabadda khudbad ka jeediyey ayaa Haweenka Soomaaliyeed ku ammaanay kaalintii ay ku lahaayeen samatabixinta dalka maadaama xiligii burburka ay haweenku lahaayeen badbaadinta Qoysaskooda.
Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa dhanka kale u ballan qaaday haweenka Soomaaliyeed ineysan xuquuqdooda weyn doonin oo ay helayaan xuquuqdooda gaar ahaanna xuquuqda uu Dastuurka cusub u ogolyahay ee 30% waxaana uu ku guubaabiyey guud ahaanba haweenka Soomaaliyeed iney door muuqda ku yeeshaan dib u dhiska iyo hormarka Dalka.
Source: (Radio Mogadisho).