synthroid 75 mcg ingredients

Muqdisho Oo Lagga Hirgelliyey Hoteello Dalxiis Oo Casri Ah “DAAWO SAWIRRADA”

In Somali style, but little bit of improvement makes perfect. Photo: Radio Mogadisho. Get Somali news around the world at www.kismaayodaily.com

 

Tan iyo wixii ka dambeeyey intii ay Isbedellada Nabadeed ku yimaadeen Caasimadda Dalka islamarkaana Muqdisho ay ka xorowday Maleeshiyada Al-Qaeda waxaa durbaba magaalada ka bilowday hirgelinta dhismayaal casri ah kuwaasi oo ay Hoteellada ugu horeeyaan.Hotelka City Palace waa hotel cusub oo dhowaan magaalada Muqdisho laga hirgeliyey waxa uuna ku yaalaa degmada C/casiis ee gobolka Banaadir waxaana hoteelkan hirgeliyey amaba dhistay dhalinyaro Soomaaliyeed oo iyagu doorbiday iney ka qeyb qaataan dib u dhiska dalka.City Palace Hotel waxa uu ku dhowyahay xeebta Liido waxaana uu dhismahiisu uu sameysanyahay qaab casriyeysan isaga oo ka kooban qeyb jiif oo durba marka aad gasho ama aad dhaayaha saarto aad jecleysaneyso inaad seexato,hoolal waaweyn oo tiradoodu gaareyso ilaa iyo lix hool oo kan ugu yar uu qaado 100 qofood halka kan ugu weynna uu qaado 2000 oo qofood taasi oo ah mid ku cusub Muqdisho hool ay markiiba ku kulmi karaan ama xaflado ku qabsan karaan tiro intaasi le’eg.

Qeybaha kale ee Hoteelka uu ka koobanyahay waxaa ka mid ah qeybo kala duwan oo cabitaanno ah kuwaasi oo isugu jira Cafeteria iyo qeyb kale oo cabitaanno khudaarta dalka ah,maqaayad cuntada noocyadeeda kala duwan lagu diyaariyey ayadoo sidoo kalena Hoteelka ay diyaar ku yihiin shaqaalle si hufan ugu diyaarsan qabashada ama diyaarinta casuumadaha sida shirarka iyo xafladaha.

Inkastoo qeybaha uu ka koobanyahay Hoteelka casriga eh ee City Palace aad ka daawan doontaan muuqaallada hoose hadana waxaa xusid mudan in hoteelku leeyahay Parking la dhigto gawaarida oo aad u weyn iyo goob baaxad leh oo loogu talagalay in lagu nasto goobtaasi oo ay dadka Coffee ama shaaha ku cabaya ku qaadanayaan hawo macaan maadaama uu hoteelku u dhowyahay xeebta.

Adeegyada kale ee u gaarka ah Hoteelka City Palace oo ay macaamiisha Hoteelkaasi ka heli karaan waxaa ka mid ah Internet Wireless ah oo Speedkiisu sareeyo kaasi oo ay si lacag la’aan ah ama free ah ku isticmaali karaan dadka hoteelka degan.

Waxaa iyana xusid gaar ah mudan in Ammaanka Hotel City Palace uu yahay mid aad u adag oo uu qofku isku haleynkaro waxaana ku xeran goob walba oo Hoteelka ka mid ah kaamirooyinka amniga oo afka qalaad lagu yiraahdo Security Camera.

 

 

Sourcea: (Radio Mogadisho).

Kismaayodaily On July - 10 - 2012

Leave a Reply


  • RSS
  • Delicious
  • Digg
  • Facebook
  • Twitter
  • Linkedin
  • Youtube

Somali Rowing and Ca

Somali Rowing and Canoeing federation sacks president, interim committee appointed [caption ...

KHUDBADII MADAXWEYNE

KHUDBADII MADAXWEYNE XAAF UU KA JEEDIYAY CALEEMA SAARKIISA Source: Gundhig.

MAXKAMADA CIIDANKA P

MAXKAMADA CIIDANKA PUNTLAND OO XUKUN DIL AH SOO SAARTAY [caption id="attachment_11066" ...

HARGAYSA OO LAGU ARK

HARGAYSA OO LAGU ARKAY KOOX DAACISH AH [caption id="attachment_12599" align="alignright" width="300"] ...

DIYAAR GARAWGII U DA

DIYAAR GARAWGII U DAMBEEYAY EE MAGAALADA CADAADO May 29, 2017 [caption id="attachment_13622" ...

Sponsors

  • http://kismaayodaily.com/?p=10650
  • http://kismaayodaily.com/?p=10650
  • http://kismaayodaily.com/?p=10650
  • http://kismaayodaily.com/?p=10650