synthroid 75 mcg ingredients

Mogadishu: Madaxweyne Sheekh Shariif Iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Dalka Dib Ugu Soolaabtay

Photo: Radio Mogadishu. Somali President Sharif, Speaker of the Parliament Sharif and Prime Minister Abdiwali. Get Somali news around the world at www.kismaayodaily.com

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soolaabtay kadib markii ay ka qeybgaleen aaskii loo sameyay dhaxal suguihii Boqortooyada Sacuudiga iyo shirkii ay yeesheen saxiixeyaasha Road-mapka kaas oo ka dhacay dalka Kenya.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliya R/wasaare ku xigeenka ahna wasiirka Beeraha, xanaanada Xoolaha dhirta iyo Daaqa, Guddoomiyaha Baarlamanka iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho kusoo dhoweeyay xubno ka tirsan golaha wasiirada Xildhibaanno saraakiil ka tirsan ciidamada, Barbaarta gaashaaman iyo mas’uuliyiin kale.

Sheekh Shariif oo saxaafadda kula hadalay garoonka diyaaradaha ayaa sheegay in shirkii lagu soo gabagabeeyay magaalada Nairobi uu kusoo dhamaadeen guul, waxa uuna Madaxweynaha gaashaanka u daruuray hadalkii kasoo yeeray Bankiga aduunka kaas oo ahaa in xukuumadahii soo maray dalka ay lunsadeen lacago.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed iyo wafdigiisa ayaa waxa ay dalka Kenya uga qeyg galeen shirkii ay yeelanayeen saxiixayaasha Road-mapka kaas oo shalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Nairobi ee wadanka Kenya.

 

Source: (Radio Mogadisho).

Kismaayodaily On June - 23 - 2012

Leave a Reply


  • RSS
  • Delicious
  • Digg
  • Facebook
  • Twitter
  • Linkedin
  • Youtube

Somali Rowing and Ca

Somali Rowing and Canoeing federation sacks president, interim committee appointed [caption ...

KHUDBADII MADAXWEYNE

KHUDBADII MADAXWEYNE XAAF UU KA JEEDIYAY CALEEMA SAARKIISA Source: Gundhig.

MAXKAMADA CIIDANKA P

MAXKAMADA CIIDANKA PUNTLAND OO XUKUN DIL AH SOO SAARTAY [caption id="attachment_11066" ...

HARGAYSA OO LAGU ARK

HARGAYSA OO LAGU ARKAY KOOX DAACISH AH [caption id="attachment_12599" align="alignright" width="300"] ...

DIYAAR GARAWGII U DA

DIYAAR GARAWGII U DAMBEEYAY EE MAGAALADA CADAADO May 29, 2017 [caption id="attachment_13622" ...

Sponsors

  • http://kismaayodaily.com/?p=10650
  • http://kismaayodaily.com/?p=10650
  • http://kismaayodaily.com/?p=10650
  • http://kismaayodaily.com/?p=10650