Mogadisho: Duqa Muqdisho Oo Caawa Xariga Ka Jaray Leeyrar Ku Shaqeynaya Cadceeda
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan” ayaa caawa xariga ka jaray leeyrar ku shaqeynaya cadceeda kuwaas oo laga hirgeliyay Muqdisho.
Munaasabadii xariga looga jarayay leeyrarka laga hirgeliyay Muqdisho ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiinta gobolka Banaadir, iyadoo ay ka soo qeyb galeen dhalinyaro kuwaas oo kusoo bandhigtay Orodo.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan” oo hadal ka jeediyay munaasabada ayaa sheegay in leeyrarka maanta xariga lagajaray ay dowladda Norway ugu deeqday dowladda Soomaaliya.
Sidoo kale munaasabada ayaa waxaa ka soo qeyb galay dhalinyaro ka kala socotay dagmooyinka gobolka Banaadir kuwaas oo Orodo loogu magac daray Iftiinka Nabadda ku soo bandhigay, iyadoona abaal marin la guddoonsiiyay dhalinyaradii gashay kaalimaha ugu horeeyo.
Source: (Radio Mogadisho).