synthroid 75 mcg ingredients

Somalia: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Oo Qado Sharaf U Sameeyey Odayaasha Dhaqanka(Dhageyso Qudbada – Fiirso Sawirrada)

Photo: Radio Mogadisho. Get Somali news around the world at www.kismaayodaily.com

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta qado sharaf u sameeyey Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho ku leh Shirka ay kusoo xulayaan ergada ansixin doonta Dastuurka cusub ee uu dalku yeelanayo.

Qado sharaftan oo ka dhacday xarunta Madaxtooyada Qaranka ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehliyey Kusimaha Ra’isulwasaaraha ahna Wasiirka Ganacsiga Mudane C/wahaab Ugaas Xuseen,wasiirro ka tirsan Xukuumadda iyo Taliyeyaasha Ciidammada qaarkood.

Qadada kadib ayaa waxaa goobta ka hadlay xubno ka tirsan Odayaasha Dhaqanka oo iyagu Madaxweynaha uga mahad celiyey qaabilaadda uu u sameeyey waxaana ay Madasha ka ballan qaadeen iney si daacad ah u gudan doonaan waajibaadkooda ku aadan Mustaqbalka dalka oo ay ugu horeyso soo xulidda ergada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ugu dambeyn Munaasabadda Khudbad ka jeediyey ayaa ka sokoow doorka odayaasha dhaqanka xiligan ay ku leeyihiin ka gudbidda marxaladda KMG waxaa uu dhanka kale Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ka codsaday iney gacan ka geystaan wadahadallada ay DKMG la  geleyso walaalaha waqooyi Galbeed Soomaaliya.

Riix Halkaan Si Aad U Dhageysataan Khudbadda Uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Ka Jeediyey Munaasabadda Qado Sharafta

Qada sharafta ayaa guud ahaanba kusoo gebageboowday jawi wanaagsan waxaana ay aheyd maalinnimadii shalay markii uu Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu Odayaasha Dhaqanka ku booqday xarunta ay ku shirsanyihiin ayadoo Madaxweynaha uu ka jawaabayey dalab ay odayaashu kaga dalbadeen inuu u yimaado ayagoo Su’aallana weydiiyey.

Source: (Radio Mogadisho).

Kismaayodaily On June - 8 - 2012

Leave a Reply


  • RSS
  • Delicious
  • Digg
  • Facebook
  • Twitter
  • Linkedin
  • Youtube

Somali Rowing and Ca

Somali Rowing and Canoeing federation sacks president, interim committee appointed [caption ...

KHUDBADII MADAXWEYNE

KHUDBADII MADAXWEYNE XAAF UU KA JEEDIYAY CALEEMA SAARKIISA Source: Gundhig.

MAXKAMADA CIIDANKA P

MAXKAMADA CIIDANKA PUNTLAND OO XUKUN DIL AH SOO SAARTAY [caption id="attachment_11066" ...

HARGAYSA OO LAGU ARK

HARGAYSA OO LAGU ARKAY KOOX DAACISH AH [caption id="attachment_12599" align="alignright" width="300"] ...

DIYAAR GARAWGII U DA

DIYAAR GARAWGII U DAMBEEYAY EE MAGAALADA CADAADO May 29, 2017 [caption id="attachment_13622" ...

Sponsors

  • http://kismaayodaily.com/?p=10650
  • http://kismaayodaily.com/?p=10650
  • http://kismaayodaily.com/?p=10650
  • http://kismaayodaily.com/?p=10650