MAXKAMADA CIIDANKA PUNTLAND OO XUKUN DIL AH SOO SAARTAY
Maxkamada darajada koowaad ee ciidamada Puntland ayaa xukun dil ah ku riday shan dhalinyarro ah oo sidda la sheegay dhawaan lagu qabtay iyaga oo la socday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa.
Maxkamada ayaa ku eedeysan dhalinyarradan in ay damacsanayeen in weeraro is qarxin ah ka fuliyaan deegaanno ka tirsan Puntland, waxaana ay sheegtay maxkamadu in dhamaantood qirteen in ay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab .
Ragga maxkamada xukunka ku riday ayaa kala ah :
- Cabaas Ibraahim Aadan 26 sano jir ah
- Ibraahim Maxamed Canshuur 20 jir ah
- Dhaqane Aadan Cabdi Xasan 25 sano jir ah
- Aadan Nuur Aadan 27 sano jir ah
- Nuur Cabdi Aadan Isaaq 27 sano jir ah
Puntland ayaa waayadii ugu danbeeyay xukunno kala duwan oo siddan oo kale ku riday dhalinyarro ku eedeysnaa in ay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab, kuwaa oo qaarkood lagu fuliyay dil toogasho ah.
Source: (GUNDHIG)