synthroid 75 mcg ingredients

Dabacaseer iyo Farxiya Iskoor: Maxay Dadkoodi u Dayaceen?

Dabacaseer & Farxiya Iskoor PHOTO | youtube. www.kismaayodaily.com - your gate way of Somali Sports news around the world

Dabacaseer & Farxiya Iskoor PHOTO | youtube.
www.kismaayodaily.com – your gate way of Somali Sports news around the world

Ayamahaan waxaan ka gaabsaday qoraalada, anigoo sidiinoo kale ku mashquulay caruurta iyo korintooda. Si kastaba ha ahaatee, waxaa qoraalkaan aan ugu talo galay aan xasuusiyo Ehelada Sheikh Dabacaseer iyo ardayadiisa Farxiya Iskoor inay masuuliyad ka saaran tahay in ay ogaadaan xaalada ay ku sugan yihiin.

DABACASEER oo aan u badinaayo in uu ka soo jeedo gobolka Mudug, Soomaaliya, iyo FARXIYA ISKOOR oo aan u badinaayo in ay ka soo jeedo KILINKA SHANAAD, ee Soomaali Galbeed, ayaa laga yaabaa in si toos ah ama si dadban ay dagaalada QAXA iyo COLAADA baahday ee GEESKA AFRICA ka dhacday, gaar ahaan deegaanada ay ka yimaadeen uu wax yeelo u gaystey.

Anigu Dhaqtar cafimaad ma ahi, laakiinse waxaa hadaladooda laga dareemi karaa in ay u baahan yihiin dadkii dhalay, kuwii la dhashey ama qaraabadooda in ay dersaan caafimaadkooda, madaama ay arimaha ay ka hadlayaan ay tahay kuwo u badan wax laga xishoodo.

Waxay ku qumaanaan lahayd in ay TV ama Qolol u gaara ay u furtaan, iyaga oo ka ilaalinaaya in dhalinta iyo caruurta aan loogu talo gelin ay maqlaan fasahaadka ay ka hadlaan. Taasna ma aha mid dhacaysa madaama labaduba aysan awoodin TV ama QOLOL u gaara in ay samaystaan.

Runtii waa markii labaad ee aan damcay in ka hadlo DABACASEER ka dib markii aan dawaday Facebook-video ku saabsan shil gaari, anigoo ay iga yaabisey sida uu ula hadlay dadkii shilka u soo gurmaday. Sidoo kaleeto, waxaan dawaday Facebook-video ku saabsan qof dumar ah, oo uu yiri waxay ahayd xaaskiisii hore. Waxa ugu wayn ee iga fajicyey ee aan ku arkay video-wyadaas waa sida aan caadiga ahayn, xishood la’aanta iyo qaylada afkiisa ka deganaysa.

Warka muhimadiisa waa dhaqan xumada Sheikh Dabacaseer waxuu noqday ay ku daydaan dhalinta Qurbaha iyo dalka gudihiisa. Taasna waxaa dalil u ah in gabar da’a yar, dadkii oo dhana ka yaabeen, in ay iyadiina ay ku soo biirto sharafxumada ay ku hayaan khadadka BULSHADA ay ku kulanto ee loo yaqaan Social Network-ga sida: Facebook-ga. Intaa waxaa dheer in video-wyadoodii ay YouTubka buuxaan, iyagoo ay noqon karaan kuwo maro habaabiya dhalinta, iskla markaana ceeb u soo jiida dhalinta Soomaaliyeed.

Marka, madaama hadalada ay ku hadlaayaan ay Quruumaha aan Qurbaha la deganahay, oo aan Muslimba ahayn, ay ka xishoodaan. Taas owgeed ayaa laga yaabaa in labadaan qof ay yihiin kuwo u baahan in dadkoodi ay u tacaalaan, si ay u ogaadaan in XANUUN xaga madaxa uu hayo iyo inkaleeto.

Waxaa qoray: Mohamed Barre – Junlay, qoraa madaxbanaan, degana Minneapolis, MN – junlay99@aol.com

Kismaayodaily On October - 30 - 2016

Categories

Articles, Uncategorized

Tags

Related Posts

  • No related posts found

Leave a Reply


  • RSS
  • Delicious
  • Digg
  • Facebook
  • Twitter
  • Linkedin
  • Youtube

Somali Rowing and Ca

Somali Rowing and Canoeing federation sacks president, interim committee appointed [caption ...

KHUDBADII MADAXWEYNE

KHUDBADII MADAXWEYNE XAAF UU KA JEEDIYAY CALEEMA SAARKIISA Source: Gundhig.

MAXKAMADA CIIDANKA P

MAXKAMADA CIIDANKA PUNTLAND OO XUKUN DIL AH SOO SAARTAY [caption id="attachment_11066" ...

HARGAYSA OO LAGU ARK

HARGAYSA OO LAGU ARKAY KOOX DAACISH AH [caption id="attachment_12599" align="alignright" width="300"] ...

DIYAAR GARAWGII U DA

DIYAAR GARAWGII U DAMBEEYAY EE MAGAALADA CADAADO May 29, 2017 [caption id="attachment_13622" ...

Sponsors

  • http://kismaayodaily.com/?p=10650
  • http://kismaayodaily.com/?p=10650
  • http://kismaayodaily.com/?p=10650
  • http://kismaayodaily.com/?p=10650