synthroid 75 mcg ingredients

Warqad Ku Socota Madaxwaynaha Soomaaliya: ‘Fadlan Booqo Qaxootiga Soomaaliyeed Ee South Africa’

 

Photo: Isma/Somaliexpress. www.kismaayodaily.com - your gateway of Somali news in MN.

Photo: Isma/Somaliexpress.
www.kismaayodaily.com – your gateway of Somali news in MN.

Sida shabakada wararka Soomaalida ee sida gaarka loo leeyahay iyo mida ku hadasha afka dowlada ee loo yaqaan Radio Muqdisho xaqiijiyeen, MADAXWEYNAHA DALKA ayaa gaaray JOHANNESBURG ee dalka KOONFUR AFRICA. Sida la sheegayna, socdaalkiisa waxaa uu la xariiraa caleema saarka madaxwaynaha dalka Koonfur Africa.

Marka madaxwayne, hadii aad joogto waqtigaan dalka Koonfur Africa, dankastaba ha ku gaysee, aniga oo ka mida QurboJoogta, marna qaxooti ku ahaa dalalka Kenya iyo Uganda, waxaan ku xasuusin lahaa in ay quman tahay in aad la kulanto qaxootiga Soomaaliyeed ee ku dhibaateesan dalka South Africa, si dadka dalkaasi u dhashay oo dhibta ku haya walaalaheen, ay u ogaadaan in ay dad iyo dalba lee yihiin.

Sidoo kalena, waxaan kula socodsiin lahaa, waa hadii aad garato in aad kulan la qaadato qaxootiga Soomaaliyeed, in kulankaas uusan noqon kii Minneapolis, ee gobolka Minnesota oo kale, oo ay dadka ku arkay inta badan, ahaayeen dad la soo xulay oo aan kaa dheereen.

Dadka kula socda, oo abaabuli doona kulankaas, oo aan rajaynaayo ay ka duwanaadaan kuwii Minneapolis iyo lataliyaagii gaarka ahaa ee hore, waa in aad la socodsiisi in ay ogaadaan in aadan ahayn oday qabiileed, ayna garaawsadaan in aad tahay madaxwayne Soomaliyeed.

Hadii ay dhacdo ceebtii ka dhacday minneapolis, ee gobolka Minnesota, waxay niyad jab ku abuuraysaa walaalaheen Soomaaliyeed, oo iyaguba hore culays ugu haystay wadankaas. Waxyaabahii ka dhacay Minneapolis waxaa ugu yaraa, waxaa laga iibeyey tikityo dadka rabay in ay kula quraacdaan subaxaas. Dadkii tiketyada laga gadey si ay kuula quraacdaan, ayaa waxaa ka mid ahaa dad meel dheer ka soo safray, kuwaas oo ay ka buuxsantay fadhigii iyo madashii quraacda lagu cunaayey madaama dadkii howsha waday ay bilaabeen in ay qofkii ay qaraabo u gartaan dirashada laga geliyeyo.

Inkasta oo dadka quraacda ay uga waynayd in ay la kulmaan madaxwaynahooda, waxaase igu maqaalaa in aad markii aad ogaatay sida ay wax u dhaceen, aad tiri “Ha lii ogolaado in aan banaanka kula kulmo dadka ay madasha ka buuxsantay” Mida kale, booqashadadi gaarka ahayd ee qolkaaga, ayaan iyadana noqotey in argatidaada ay ku xirnaanto: qaraabo kiil iyo qabyaaladaysi.

Waxan u badinaayaa in aysan jirin qof ka hadla arimahaan oo kale, hase yeeshee, waxaan igu qasbey in aan ka hadlo, waxaa maqlay in arimahaan oo kale ay dhici jireen, oo dadka la shaqeeya madaxwaynayaashii horena ay sidaan oo kale ahaayeen. Marka, muhimada qoraalkaygu waa in aad noqoto midkii dhaqan xumadaas soo afjara.

Waa soo diray: Mohamed Barre – Junlay “Buluf” qoraa madaxbanaan, waxna ka qora arimaha Soomaalida, degana magaalada Minneapolis, MN – junlay99@aol.com

Kismaayodaily On May - 24 - 2014

Leave a Reply


  • RSS
  • Delicious
  • Digg
  • Facebook
  • Twitter
  • Linkedin
  • Youtube

DIIRADDA GANACSIGA 1

DIIRADDA GANACSIGA 14-05-2017 Source: GoobJoog!

1. Madaxweyne Maxame

Madaxweyne Maxamed C/llahi Farmaajo oo Safarkiisii ugu horeeyey u ambabaxay. Posted ...

Madaxweyne Farmaajo

Madaxweyne Farmaajo oo Xasan Cali Kheyre u Magacaabay Raisul Wasaaraha Dalka. Madaxweynaha ...

OMAR SHOOLI iyo Fana

OMAR SHOOLI iyo Fanaaniinta MN iyo Europe Maxay Isku Haystaan? Waxaa ...

Somalia inaugurate f

Somalia inaugurate first ever regional football league [caption id="attachment_13993" align="alignright" width="300"] ...

Sponsors

  • http://kismaayodaily.com/?p=10650
  • http://kismaayodaily.com/?p=10650
  • http://kismaayodaily.com/?p=10650
  • http://kismaayodaily.com/?p=10650