synthroid 75 mcg ingredients

SHABAAB JALBAAB IYO INDHA SHAREER XERAN OO MUQDISHO LAGU QABTAY – Daawo Video

Hay’adda Sirdoonka iyo nabadsugidda Qaranka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo bandhigtay Rag isugu jira Horjoogeyaal iyo maleeshiyaad ka tirsanaa kooxda Shabaab,  kuwaasoo ka qeybqaadanayay falal lagu carqaladeynayo ammaanka caasimadda.

Kaddib howlgal ay Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad sugidda qaranka ka sameeyeen Xaafado ka tirsan Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu soo qabtay illaa iyo 6-qof oo isuygu jira Horjoogeyaal hoose iyo Maleeshiyaad ka tirsan Kooxda Shabaab, kuwaasoo lasoo qabtay xilli ay ku guda jireen falal lagu carqaladeynayo ammaanka magaalada Muqdisho.

Xarunta Taliska Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka qaranka ee Gobolka Banaadir ayaa maanta lagu soo bandhigay Raggaani ka tirsanaa Al-Shabaab kuwaasoo mid kamid ah lasoo qabtay isagoo xiran Dharka dumarka iyo Indhashareer taasoo muujinaysa sida uu isku qarinayo, waxaana Saraakiisha Hay’adda Sirdoonka iyo nabasugidda Qaranka xaqiijiyeen in Ninkani lagu soo qabtay Howlgal ay ciidamu ka sameeyeen degmada Waaberi, islamarkaana la ogaaday inay isku xiranyihiin isaga iyo afarta ruux ee kale oo qaarkood la sheegay inay yihiin horjoogeyaal hoose oo fududeynayay sameynta qaraxyada, dilalka qarsoodiga ah iyo bambaanooyinka lagu weeraro xarumaha hay’adaha dowladda iyo goobaha ay bulshada isugu yimaadaan.

Saraakiisha hay’adda nabasugidda ayaa intaasi ku daray inay ku raadjoogaan rag kale oo iyagu isku qarinaya xaafado ka tirsan degmooyinka gobolka banaadir, iyagoo ballaanqaadey in maleeshiyaadka gacanta lagu hayo la horkeeni doono maxkamadda si caddaaladda loola tiigsado.

Hay’adaha ammaanka qaranka ayaa wada dedaallo ay uga hortagayaan falalka lagu carqaladeynayo amniga caasimadda, iyadoo Xukuumadda Soomaaliya ay xubnaha golaha Wasiirada u xilsaartay inay Maamullada degmooyinka iyo saraakiisha ciidamada kala qeybqaataan qorsheyaasha lagu xasilinayo amniga magaalada.

DSC08315 DSC08316  DSC08318 DSC08319 DSC08320 DSC08321 DSC08322 DSC08323 DSC08324 DSC08325 DSC08326 DSC08327 DSC08328 DSC08329 DSC08330 DSC08331 DSC08332 DSC08333 DSC08334 DSC08335 DSC08336 DSC08337 DSC08338

Source: Radio Mogadisho

Kismaayodaily On March - 1 - 2014

Leave a Reply


  • RSS
  • Delicious
  • Digg
  • Facebook
  • Twitter
  • Linkedin
  • Youtube

Somali Rowing and Ca

Somali Rowing and Canoeing federation sacks president, interim committee appointed [caption ...

KHUDBADII MADAXWEYNE

KHUDBADII MADAXWEYNE XAAF UU KA JEEDIYAY CALEEMA SAARKIISA Source: Gundhig.

MAXKAMADA CIIDANKA P

MAXKAMADA CIIDANKA PUNTLAND OO XUKUN DIL AH SOO SAARTAY [caption id="attachment_11066" ...

HARGAYSA OO LAGU ARK

HARGAYSA OO LAGU ARKAY KOOX DAACISH AH [caption id="attachment_12599" align="alignright" width="300"] ...

DIYAAR GARAWGII U DA

DIYAAR GARAWGII U DAMBEEYAY EE MAGAALADA CADAADO May 29, 2017 [caption id="attachment_13622" ...

Sponsors

  • http://kismaayodaily.com/?p=10650
  • http://kismaayodaily.com/?p=10650
  • http://kismaayodaily.com/?p=10650
  • http://kismaayodaily.com/?p=10650