Elman oo gool deg deg ah looga naxsaday laakin 2-1 ku adkaatay
Elman ayaa goolka looga naxsaday, waxa uuna ahaa goolkii ugu dhaqsiyaha badnaa ee xagaagan la iska dhaliyo horyaalka Soomaaliya, markii daqiiqadii labaad ee ciyaarta shabaqa Elman uu soo taabtay da’yarka kooxda Savaana una xirta lambarka 22-aad, Liibaan Yuusuf Xirsi ciyaarta oo bilow ah, sidaas ayaana lagu kala nastay Elman oo lagu hoggaaminayo 1-0.
Kooxda Elman ayaa soo laabasho sameysay qeybtii dambe ee ciyaarta geesiga galabta ee kooxdaasina waxa uu ahaa lambarka 10-aad ee C/llaahi Ciise Maxamuud Joon, kaasoo kooxdiisa guul u horseeday una dhaliyey labada gool.
Goolka hore waxa uu ahaa kubbad muran dhalisay oo uu soo tuuray C/llaahi Ciise Maxamuud daqiiqadii 51-aad ee qeybtii dambe taasoo uu garsooruhu tilmaamay inay dhaaftay diilinta goosha inkastoo uu guulhayuhu qabtay haddana go’aanka garsooraha ayaa lahaa goolkaasna waxaa loo qoray C/llaahi Ciise oo ciyaarta ayaa sidaas ku noqtay barbaro 1-1.
Markale goolka ay guusha ku qaateen xiddiga Elman waxaa saxiixay C/llaahi Ciise Maxamuud daqiiqadii 65-aad sidaas ayeyna galabta uga adkaadeen Savaana 2-1.
Savaana afartii kulan oo ay ciyaartay horyaalka, wax guul ah ma gaarin xitaa barbaro ma keensan waxayna sidaa ku fadhisaa halka ugu hooseysa horyaalka iyadoo aan wax dhibic ah lahayn.
Naadiga Elman ayaa tiigsatay kaalinta labaad ee kala sarreynta horyaalka kaddib guushaas, waxa ayna leedahay sagaal dhibcood, inkastoo ay isku dhibco yihiin kooxda Heegan oo ku jirta haatan kaalinta saddexaad haddana farqiga goolasha ayay Elman ku gashay kaalinta labaad ee kala sarreynta horyaalka.
Sida ku cad jadwalka ay soo saareen xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta labada maalin ee soo aaddan Sabtida iyo Axadda ayaan horyaalkan la ciyaari doonin, inkastoo ay Isniinta kulmayaan kooxaha Dekedda iyo Jeenyo United.
By Haaruun Yuusuf Khasaaro
Somali Football Federation Media Department