synthroid 75 mcg ingredients

Baarlamaanka Soomaaliya Waxa uu Hambalyeeynayaa Golaha Wakiillada Puntland iyo Gudoonkooda Cusub… – WARSAXAAFADEED

Photo: RM.  www,kismaayodaily.com  www.kismaayodaily.com - your gateway of Somali news around the world.

Photo: RM.
www,kismaayodaily.com
www.kismaayodaily.com – your gateway of Somali news around the world.

Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa uu hor iyo horaan Hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Puntland ee Soomaaliya oo uu ku ammaanayo sidii quruxda badneyd ee ay shalay oo taariikhdu ku beegneyd 04-January-2014 u qabteen doorashada Gudoomiyaha Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland iyo ku xigeennadiisa.

Tallaabada ay Xildhibaannada Golaha Wakiillada Puntland ku doorteen Afhayeenkooda iyo labadiisa ku xigeen waxa ay ka turjumeysaa hirgelinta
dhaqan dimuqraadiyadeed waxaana uu Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya hambalyo u dirayaa Gudoomiyaha Golaha Wakiillada
Puntland ee la doortay walaalkeen Mudane Saciid Xasan Shire,ku xigeenkiisa Koobaad Mudane C/xamiid Sheekh C/salaan Ciise iyo Gudoomiye ku xigeenka Labaad Mudane Xuseen Yaasiin Xaajiga.

Gudoomiyaha cusub ee Golaha Wakiillada Puntland Mudane Saciid Xasan Shire waa nin aynu aaminsannahay in uu si hufan u gudan doono waajibaadka loo
igmaday maadaama uu kusoo dhex jiray siyaasadda dalka in mudo ah lagasoo bilaabo sanadkii 2000 oo uu ka mid ahaa Xildhibaannada Baarlamaanka
dowladdii TNG ee lagusoo dhisay Carta Djibouti,sidoo kalena uu ka mid ahaa Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka KMGka ahaa islamarkaana uu xilal
heer Wasiir ah kasoo kala qabtay Xukuumadihii KMGka ahaa iyo Dowlad Goboleedka Puntland.

Nidaamka,degenaanshaha iyo daahfurnaanta ay doorashadu u dhacday ma ahan kaliya mid uu ku ammaananyahay Golaha Wakiillada Puntland ee waa sharaf
weyn oo usoo hooyatay Shacbiga Soomaaliyeed guud ahaan,gaar ahaanna shacabka Puntland taasina waxey marqaati u tahay in Soomaaliya ay awood u
leedahay maareynta arrimaha Soomaaliyeed guud ahaan.

Ugu dambeyntii waxaan Alle uga rajeyneynaa inuu u fududeeyo waajibaadka iyo howlaha shaqo ee horyaala Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland,ku
xigeennadiisa iyo Xildhibaannadaba oo ay ugu horeyso qabashada doorashada Madaxtinimo ee Puntland, waxaan sidoo kale ku boorineynaa gobollada kale
ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee aanay weli ka hirgelin nidaamka Federaalka iyo dhisida dowlad goboleedyada iney ku daydaan walaalahooda
Puntland ugana daydaan hirgelinta hanaanka dimuqraadiyadda.

WABILLAAHI TOWFIIQ

—DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Gudoomiyaha Baarlamaanka

Media & Public Relation Office Of Speaker

Kismaayodaily On January - 7 - 2014

Leave a Reply


  • RSS
  • Delicious
  • Digg
  • Facebook
  • Twitter
  • Linkedin
  • Youtube

Somali Rowing and Ca

Somali Rowing and Canoeing federation sacks president, interim committee appointed [caption ...

KHUDBADII MADAXWEYNE

KHUDBADII MADAXWEYNE XAAF UU KA JEEDIYAY CALEEMA SAARKIISA Source: Gundhig.

MAXKAMADA CIIDANKA P

MAXKAMADA CIIDANKA PUNTLAND OO XUKUN DIL AH SOO SAARTAY [caption id="attachment_11066" ...

HARGAYSA OO LAGU ARK

HARGAYSA OO LAGU ARKAY KOOX DAACISH AH [caption id="attachment_12599" align="alignright" width="300"] ...

DIYAAR GARAWGII U DA

DIYAAR GARAWGII U DAMBEEYAY EE MAGAALADA CADAADO May 29, 2017 [caption id="attachment_13622" ...

Sponsors

  • http://kismaayodaily.com/?p=10650
  • http://kismaayodaily.com/?p=10650
  • http://kismaayodaily.com/?p=10650
  • http://kismaayodaily.com/?p=10650